Gudiga Anshaxa, Xalinta Khilaafaadka iyo Kormeerka Doorashooyinka Somaliland ayaa soo saaray ganaaxyo iyo go’aano la xiriira arimaha Ololaha Doorashada:
Waxay ganaax 20 Milyan Shilin Somaliland ku rideen Gudoomiye kuxigeenka labaad ee golaha Wakiildda Cali Xaamud Jibriil.
Sidoo kale Gudigu waxay ganaax lacageed oo dhan 20 Milyan Shilling ah ku rideen Xisbiga Waddani
Waxa kale oo gudigu diginiin kama danbays ah u direen Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye kuwaasoo aan weli bixin ganaaxii lagu riday waxayna magacyadoodu kala yihii sidan:
Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha C/risaaq Muuse Faarax
Wasiirka xidhiidhka Golayaasha iyo Arimaha Dastuurka C/naasir Muxumed Xasan Buuni
Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada Maxamed Cali Bile
Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Kulmiye Faysal C/raxmaan Madar
Madaxa Ololaha Xisbiga Kulmiye Mustafe Maxamud Qodax
Xildhibaan G/deegaana ka hargeisa Maxamed Abiib Cismaan
Waxay kaloo digniin u direen Urur siyaasadeedka Horseed