Heemaal News Network

Mareykanka Oo Diyaarado & Hub Culus ka Dejiyey Siiriya

Mareykanka ayaa dhowr diyaaradood oo militari oo ay ku raran yihiin hub iyo saanad kale oo militari ka dejiyay Suuriya

Hubkan ayaa la geynayaa saldhigyada uu halkaa ku leeyahay, tallaabo lagu sheegay in looga hortagayo weerarro ka imaan kara Iran iyo xulafadeeda kooxaha ay taageerto ee gobolkaas li xoogan.

Mareykanka ayaa galbeedka iyo Koonfurta Syria ku leh saldhigyo milateri oo ay joogaan kumanaan askari.

Dhinaca kale Xoghayaha Guud ee Hizbullah ayaa sheegay Israel aysan ku guuleysan doonin dagaalka ay kula jiraan kooxaha iska caabinta lana gaaray xiligii ay burburi laheyd

Waxaa uu xusay in kumanaan ka mid ah Ciidanka Xisbulah oo tababaran ay diyaarsan yihiin.

Waxaan heysanaa tobanaan kun oo dagaalyahanno ah oo si heer sare ah u tababaran oo diyaar u ah inay wajahaaan cadowga iyo nagu filan” ayuu yiri.

Dhinaca kale, Ciidamada Israel ayaa waqooyiga magaalada Gaza ku tuurtay waraaqo digniin ah oo ku amraya dadka deegaanka inay deg deg uga baxaan guryahooda.

Duqeymo iyo weeraro joogto ah oo ka socda aagga Jabalya, Beit Lahia, iyo Beit Hanoun ayaa sababay in kumannaan qof oo Falastiini ah, iyaga oo qaadanaya waxyaabo yar yar ay u baxsadaan dhinaca koonfureed ee Gaza​​​​.

Bulshada rayidka ah ee ku sugnaa waqooyiga Gaza ayaa ka cabanaya inay la kulmaan rasaas ay ciidamada Israel ku furayaan dadka isu dayaya inay baxsadaan. Hay’adaha samafalka, sida Ururka Laanqeyrta Cas, ayaa sheegay in dad badan oo dhaawac ah aan la caawin karin sababta oo ah weerarada isdaba joogga ah ee ka socda halkaas.

Go’aankan Israel wuxuu abuurey cabsi weyn oo ah in xaaladda ay gaarto heer barakicin ba’an oo gobolka ah, iyadoo inta badan dadkan rayidka ahi aysan haysan meel nabdoon oo ay gabaadsadaan.