Jabhadda Xoreynta Oromada (OLA), ayaa ballaarisay weerarrada ay ka geysanayaan gobolka ugu weyn Itoobiya ee Oromia, iyagoo tan iyo toddobaadkii hore 48 qof oo mas’uuliyiin deegaan ay ku jiraan ku dilay, tiro kalena ku afduubay gobolkaa, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.
Weerarrada dhimashada badan ay ka dhasheen ayaa ka dhacay degmada waqooyi ee Shewa ee galbeed ka xigta caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa — waxaana ka jirta gobolkaa xaalad degganaasho la’aan ah, iskudayda lagu doonayo in lagu xalliyo colaadda gobolkaa ka taagan tan iyo 2018-kii ayaa lagu guul-darraystay.
Dawladda Itoobiya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Abiy Axmed , ayaa u aqoonsaday koox aragagixiso ah Jabhadda Xoreynta Oromada (OLA).