Ra’iisulwasaaraha Poland Donald Tusk ayaa sheegay in guusha Donald Trump ee doorashada madaxtinimo ee Mareykanka ay cawaaqib xub ku yeelan doonto ammaanka Yurub, balse wuxuu intaas ku daray in uusan si sax ah u saadaalin karin cawaaqibtaasi.
“Doorashooyinka Maraykanku waxay cawaaqib xun ku yeelan doonaan siyaasadda Yurub, gaar ahaan dhinaca ammaanka,” ayuu ku sheegay shir jaraa’id ka hor inta uusan u duulin Budapest oo uu kaga qaybgalayo shir madaxeedka hoggaamiyeyaasha Yurub.
“Annaga, aad ayay muhiim noogu tahay, waxa aan rabaa in aan xoogga saaro tan, Poland waxay leedahay dana si cad loo qeexay,” ayuu yiri.
Ra’iisul wasaaraha Poland ayaa sheegay in fariintiisa ugu weyn ee uu u dirayo hogaamiyayaasha kale ee Yurub ay noqon doonto “in la xoojiyo xiriirka transatlantic”, isaga oo intaa ku daray in uu “xiriir shaqsiyeed oo wanaagsan” la lahaa Trump xilligiisii ugu horeyay ee uu ahaa Madaxweynaha Golaha Yurub.
Waxa uu Trump ku tilmaamay saaxiib “loo baahanyahay” kaas oo aan aa saadaalin Karin siyaasaddiisa ku wajahan xulafadiisa iyo cadawgiisaba.
“Waa inaan u diyaargarownaa isbeddel marka la barbar dhigo madaxweynenimada Joe Biden. Tani miyay nooga dhigantahay arrimaha muhiimka ah ee amniga, Ukraine, Ruushka, dagaalka -in isbeddel u uku yimaado Washington? Ma garanayo qof si sax ah uga jawaabi kara asu’aashan,” ayuu intaasi raaciyay.