Heemaal News Network

Diyaarad nuuca wax Basaasa ah Ee Maraykanka Oo ku Burburtay Gudaha Somaliya

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyey in diyaarad nooca MQ-1C ah oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka ay ku burburtay degaanka Fardooley ee gobolka Shabeellada Hoose 5-tii Nofeembar.

Baaritaan ayaa socda si loo ogaado sababaha keentay shilkan, inkastoo AFRICOM ay sheegeen in aysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in diyaaraddu lasoo riday. Ma jiro warbixin ku saabsan khasaaraha ka dhashay dhacdadan.

Afhayeenka AFRICOM ayaa sheegay in warbixin dheeraad ah la soo saari doono marka baaritaanka la soo gaba gabeeyo.

MQ-1C, oo sidoo kale loo yaqaan ‘Grey Eagle’, waa diyaaradaha joogga hoose ku socda ee ku shaqeeya nidaamka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay isticmaalaan millatariga Maraykanka.

Milatariga Maraykanka ayaa diyaaradahaan u isticmaala hawlgallada ilaalinta iyo sahaminta.