Madaxweynaha Turkiga Recep Erdogan ayaa casumaddii u horreysey u fidiyey madaxweynaha-dooran ee Mareykanka, Donald Trump.
Erdogan ayaa sheegey in uu Trump kala hadlayo soo-afjaridda duulaanka Israa’iil ay ku hayso Falastiin & Lubnaan iyo in Mareykanku uu ciidamadiisa kala baxo Suuriya, isla markaasna joojiyo taageerada uu siiyo ururrada mucaaridka Turkiga ah ee PKK, PYD & YPG.
“Waxa aan rajaynaynaa in nabad waarta ay ka hirgasho gobolka, lana soo afjaro colaadda, marka Trump joojiyo hubka la siinayo Israaiil.” – Ergogan ayaa u sheegey weriyaasha.