Heemaal News Network

Koox Sirdoonka Iran ah Oo Jabsaday xogta Xarunta Cilmi-baarista Nukliyeerka Israa’iil

Koox lala xiriiriyay sirdoonka Iran ayaa jabsaday xogta shaqsiga ah ee saynisyahanka nukliyeerka ee xarunta cilmi-baarista nukliyeerka Israa’iil ee Soreq iyo qaar ka mid ah saaxibbadii, waxaana la baahiyay dhammaan xogtooda.

Kooxdan ayaa sidoo kale soo bandhigtay xogta agaasimihii hore ee wasaaradda difaaca Israa’iil, tan oo ka dhigan kooxaha weerarrada internetka qaada ee Iran inay muujinayaan awoodda ay u leeyihiin inay dhex galaan telefoonnada iyo email-ka saraakiisha sare ee Israa’iil.

Sida uu qof walba ku maqli karo barnaamiyada ka baxa bartayda YouTube; kooxaha Iran ee weerarrada intenetka (hackers) ayaa 48 saac ee la soo dhaafay weerarro culus ku qaaday Israa’iil illaa ay jabsadeen kaararka bankiyada ee deymaha lagu qaato, soo bandhigta xogta saynisyahan muhiim u ah barnaamijka nukliyeerka Israa’iil iyo sarkaal sare oo difaac , waxay ka dhigantahay inay Iran fulisay howlgal weyn oo dhinaca Internetka ah oo ay ku heli karto xogo muhiim ah.