Senator-ka Florida Marco Rubio ayaa waxa uu Donald Trump u doortay xoghayaha arrimaha dibadda.
Haddii magacaabistiisa uu ansixiyo Senatka, Rubio wuxuu noqon doonaa qofkii ugu horreeyay oo Laatiin Ameerika ka soo jeeda oo xilkaas qabta.
Halka uu ka taagan yahay arrimaha muhiimka ah ee caalamka:
Ukraine: Waxa uu ku booriyay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka lagula jiro Ruushka, wuxuuna sheegay in tani ay ku lug yeelan doonto “Cawaaqib xumo adag”. Waxa uu ka codeeyay oo uu ka soo horjeestay $6bn oo xirmo gargaar milatari ah oo loogu talagalay Kyiv sanadkan.
Shiinaha: Rubio ayaa ku tilmaamay Beijing inay tahay “cadowgii ugu weynaa, uguna hormarsanaa ee Ameerika wajaho” wuxuuna ka digay in aan la dhayalsan.
Taiwan: Waxa uu si adag oo fagaare ah u difaacay “madaxbanaanida ” Taiwan.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza: Rubio waxa uu ka soo horjeedaa xabbad-joojinta Gaza, waxaanu sheegay in uu doonayo in Israa’iil ay burburiso kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas.
Iran: Waxa uu ku tilmaamay Iran maamul “argagixiso”, wuxuuna ku booriyay Israa’iil in ay si adag ah uga jawaabto weerarradii horraantii sanadkan.