Heemaal News Network

Yaa ku Horeeya Tirinta Codadka Doorashada Somaliland?

Natiijada doorashada Somaliland xiligii la filayay in lagu dhawaaqo ayay suuragal tahay in ay ka soo hormarto, maadaama codadkii u badnaa la tiriyey

Guddiga doorashada Somaliland ayaa waxyar ka hor ku dhawaaqay in sanaadiiqda cododka la geeyay degmooyinka oo la soo gagabeeyay tirinta cododka ee goobihii laga dhiibtay, iyagoo sheegay natiijada kama dambeysta ah inuu guddiga shaacinayo oo la sugo.

Qiyaasaha illaa hadda soo baxaya waa in codod badan lagu kala guuleysanayo, waxaa sidoo kale badan surtagalnimada doorashada ay ka soo bixi karto natiijo ay ka dhalan karto isbeddelo aan horey loo qiyaasin.

Ma jirto tilmaamo muujinaya xisbiga UCID ee uu hoggaamiyo siyaasiga Faysal Cali Waraabe inuu sii xajisan karo booskiisa xisbi, taa oo ah halka laga filan karo isbeddellada u horreeya ee ku dhacaya saddexda xisbi ee hadda ku tartamay doorashada madaxtooyadda.

Guddiga waxaa la sheegay inuu aad u xaddidayo in xubnaha wakiillada ka ah xisbiyada ee la socda cododka laga soo tiriyay goobaha inay bixiyaan wax la xiriira xogta cododka la dhiibtay.

Guddiga ayaa ka digaya natiijooyin aan sugneyn kana soo bixin iyaga lagu baahiyo baraha bulshada, iyadoo guddoomiyaha guddiga uu ku baaqay in dadku ay is dejiyaan kana war sugaan natiijada doorashooyinka ay guddigu soo saari doonaan marka la dhameystiro tirinta codadka.

Codadka illaa hadda la tiriyey ee doorashada Somaliland ayaa waxaa ku horeeya Cabdiraxmaan Cirro oo heysta 61%, halka Muuse Biixi haysto 38.3%, Faysal cali Waraabe ayaa maraya 0.49%.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Madaxweyne Biixi oo Somaliland xukumayay 7dii sanno ee lasoo dhaafay uu isku diyaarinayo inuu hambalyeeyo oo ka hordhaco natiijada guddiga Doorashada, isagoo u sheegay xubnaha Kormeerayaasha caalamiga ah inuu ku faraxsan yahay natiijada uu helay.

Waxaa lagu wargeliyey xisbiga Waddani inuu ka hortago in taageerrayaasha iyo xubnaha sare ay bixiyaan wax hadal ah oo la xiriira cododka la tiriyay, taasoo ay dheertay in si ka badan labada xisbi ee kale inuu Waddani ka hortagayo in dabaal-deg waqti hore ah ay sameeyeen taageerrayaasha iyo xubnaha xisbiga.