Heemaal News Network

Hogaamiyaha Jarmalka,Oo M/Putin kala Hadlay Wada-hadal Lagu Joojinayo Dagaalka Ukraine

Hoggaamiyaha Jarmalka,Olaf Scholz ayaa telefoon kula xiriiray markii u horreysay tan iyo 2022 , Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin — wuxuu usoo jeediyay wada-hadal nabadeed oo uu la yeesho Ukraine.

In kasto uu xaqiijiyay inay dalkiisa ka go’antahay taageerrada Ukraine , hadana in hoggaamiyayaasha Yurub ay raadiyaan Putin , waxay tilmaam inaga siineysa isbeddelo laga yaabo inan aragno waqti dhow.

Doorashada Mareykanka ee Trump uu ku soo baxay waxay u arkayaan reer Yurub , xaalad aan u wanaagsaneyn,sababtoo ah haddii ay ku adkayestaan dagaalka inay ku sii jiraan, wuxuu Trump raadin doonaa wada-hadal uu ku qasbayo Ukraine , taa oo haddii ay dhacdo iyagoo ku noqonaysa waji-gabax, hadda hoggaamiyayaasha Yurub , waxay ku hormarayaan inay wada-hadallada nabadda iyagu raadiyaan si loogu soo daro qodobbada ay u arkayaan in lagu joojin karo khatarta Ruushka. Laakin dhinaca Moscow ayaa muujinaysa sida ay isugu diyaarinayaan duullaan weyn oo Ruushka uu ku doonayo inuu ku qaado aaggaga istiraatijiga ah ee bariga Ukraine iyo inuu ciidanka Ukraine ka saaro gobolka dhulka Ruushka ee Kursk.

Muxuu yahay wada-hadalka lagu joojinayo dagaalka?

Haddii aan ku sheego marxaladan ciddi ma awooddo inay soo gabagabeyso dagaalka Ruushka uu ka wado gudaha Ukraine , ee wada-hadalka nabadeed oo aad maqlayso waa mid kaliya dagaalka lagu joojinayo ee ma aha mid lagu soo afjarayo, si fudud Trump wuxuu raadinaya in la sameeyo aag ka caagan ciidamada ee jiidaha hore, sababtoo ah ciddi ma dhihi karto waqtigan ‘Ruushka waa inuu ka baxaa dhulka Ukraine’ si dagaalka loo joojiyo — wada-hadalladu waxay qaadanayaan waqti , bilowga hadda waa kaliya in xabbada la joojiyo , taasina waa in khatarta ay mar walba jiri karto.