Heemaal News Network

Madaxweyne Muuse Biixi oo Goordhaw soo Saaray Wareegto Madaxweyne

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa uu wareegto Madaxweyne ku soo saaray in deegaannada maamulkiisa galo laba maalmood oo fasax ah, oo ah tacsida Madaxweynihii afraad ee Somaliland Axmed Siilaanyo.

Wareegtada uu soo saaray Madaxweyne Muuse Biixi ayuu ku sheegay in beri oo Axad ah iyo Isniinta la galayo labo maalood oo fasax ah, taa oo loogu baroordiiqayo geerida Madaxweynihii hore ee maamulkaasi Axmed Siilaanyo oo xalay Hargeysa ku geeriyooday.