Heemaal News Network

NISA oo Qabatay labo Nin Oo Al Shabaab u hayay Shaqo Muhiim ah (Sawirro)

Ciidanka hay’ada nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA oo gacanta ku soo dhigtay labo xubnood oo lagu eedeeyay in kooxda Al Shabaab u qaabilsanaa Isbitaalada Muqdisho iyo daryeelka bukaannada kasoo dhaawacma.

Hay’adda NISA ayaa sheegtay in Kooshin Maxamuud Axmed u qaabilsanaa kooxda Al Shabaab daaweynta bukaanada soo dhaawacma ee la keeno magaalada Muqdisho, halka Keyse Faarax Xasan , isna la sheegay in Al Shabaab u qaabilsanaa daaweynta bukaanadooda jooga degmada Jilib.

Warka kasoo baxay hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya , ayaa lagu sheegay in ay ka go’an tahay ciribtirka kooxda Al Shabaab , waxa ayna sheegeen in ay beegsanayaan cid kasta oo la shaqeysa kooxda Al Shabaab.