Heemaal News Network

Muslimiinta Mareykanka Oo ka Xumaaday Xilal uu Magacaabay Madaxweyne Trump

Hogaamiyayaasha Muslimiinta Maraykanka ee ku taageeray xisbiga Jamhuuriga Donald Trump doorashadii madaxtinimada, ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin doorashada Trump ee jagooyinka wasiirnimo iyo xilalka kale uu ku safay siyaasiyiin si weyn u taageersan Israa’iil.

Dad badan oo muslimiin ah ayaa taageeray codkoodana siiyay Madaxweyne Donald Trump, kuwaa oo si weyn uga soo horjeeday siyaasada xisbiga Dimuquraadiga ee ku eedeeyeen in ay taageereen xasuuqa Israa’iil ka geesatay Gaza.

“Trump wuu ku guuleystey mahadsanid anaga, kuma faraxsanin doorashada uu u doortay Xoghayaha Arrimaha Dibadda iyo jagooyinka kale,” ayuu yiri Rabiul Chaudhry oo ah maal-galiyaha Philadelphia.

Chaudhry wuxuu madax ka ahaa ololihii “Abandon Harris” ee Pennsylvania wuxuuna la aasaasay ururka “Muslimiinta Trump”.

Falanqeeyayaasha istiraatijiyadeed ayaa aaminsan in taageerada Muslimiinta ee Trump ay ka qayb qaadatay guushii uu ka gaaray Michigan, lagana yaabo in ay qayb ka ahayd guushii uu ka gaaray gobolada kale.

Trump ayaa u doortay Senator Marco Rubio oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo si weyn u taageera Israa’iil inuu noqdo xoghayaha arrimaha dibadda. Rubio ayaa sheegay horaantii sanadkan inuusan ku baaqi doonin xabad joojin ka dhacda Marinka Gaza, wuxuuna aaminsan yahay in Israel ay meesha ka saarto wax kasta oo Xamaas ka tirsan.

Trump ayaa sidoo kale u magacaabay Mike Huckabee, gudoomiyihii hore ee gobolka Arkansas, in uu noqdo safiirka Maraykanka ee soo socda ee Israel. Huckabee waa muxaafid si weyn u taageera Israa’iil iyo qabsashada Israa’iil ee Daanta Galbeed, wuxuuna ku tilmaamay xalka labada dal ee Falastiin mid “aan socon karin”.