Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktas, waxa uuna kala hadlay arrimo badan oo muhiim ah.
Kulanka taliyaha iyo safiirka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka booliiska iyo safaaradda oo iyadu masuul uga ah dowladda Turkiga taageerada ciidamada booliiska ee dhinacyada tababarka , taakulada iyo kor u qaadista aqoontooda .
Asad Diyaano ayaa dowladda Turkiga uga mahadceliyey taageerada iyo tababar siinta ciidamada booliiska waxa uuna safiirka ka codsaday in gacan ka siiyaan dib u habeynta, kordhinta tirada, agabka iyo dhismaha xarun u gaar ah ciidamada Haramcad oo qayb ka ah Boliiska Soomaaliya una xilsaaran sugidda Amniga iyo ka hortagga falalka guracan.
Dowladda Turkiga ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera ciidanka booliiska Soomaaliya, waxa ayna Turkiga si gaar ah u tababaraan sidoo kale u taakuleeyaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.