Heemaal News Network

Yaa ku Guuleystay Tartanka Guruxda Adduunka? (Sawirro)

Tartankii Quruxda aduunka ee 2024 oo lagu qabtay dalka Mexico ayaa waxaa ku guuleysatay Victoria Theilvig oo ka socota dalka Denmark.

Victoria ayaa ku kasbatay taajka quruxda iyadoo lagu ammaanay quruxdeeda dabiiciga ah, hal-abuurkeeda, iyo sida ay ugu heelan tahay ka qeyb qaadashada arrimaha bulshada.

Guushan ayaa Victoria ka dhigtay qofkii ugu horreeyay ee reer Denmark ah ee ku guuleysta tartankan heerka caalami ah, taasoo dhalisay farxad iyo bogaadin gudaha iyo dibadda Denmark.

Waxay taajka kala wareegtay Sheynnis Palacios oo dalka Nicaragua u dhalatay taasoo sanadkii hore ku guuleysatay tartanka.

Tartanka ayaa soo maray heerar kala duwan oo kala xulid ah, 30 haween ee isku soo haray ayaa fiinalka u tartamay maanta.

Sanadkan waxaa ka qeyb qaatay ilaa 130 dumar ah oo caalamka ka kala socda, waxaana ku jirta gabar Soomaaliya oo la yiraahdo Khadiija Cumar.

Dumarkan 130-ka ah ayaa la geliyaa tartan horudhac ah kahor kan kama dambeysta ah. Waxaa kadib isku soo hara ilaa 30 dumar ah, kuwaasoo kadibna laga xusho 25.

Waxaa intaa dheer, afar dumar ah oo isku soo haray ayaa loo xulan doonaa iyadoo gobollada la eegayo, kuwaasoo matalaya Latin Ameerika, iyo Caribbean-ka, Yurub, Afrika, iyo Aasiya iyo Oceania.

Afartaas ayaa waxaa kadib laga xulan doonaa hal dumar oo qaadda koobka quruxda adduunka loona caleema-saaro Miss Universe 2024, waxayna sanadka soo socda ee 2025 noqoneysaa safiirka quruxda.