Maxkamadda denbiyada Dagaalka ee ICC ayaa soo saartay amarro lagu soo xirayo RW Israel Benjamin Netanyahu, wasiirkiisii hore Yoav Gallant, iyo taliyaha militariga Hamas, Mohammed Deif, iyagoo looga shakisan yahay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bini’aadannimada.
Israel ayaa cambaareysay go’aankaas kadib markii ICC ay maanta diiday cabashadooda ku aaddan awoodda maxkamaddu leedahay.
Xamaas ayaa soo dhaweysay waaranka Netanyahu iyo Gallant, iyagoo sheegay in ay ka dhigan tahay taariikh muhiim ah, “iyo hagaajinta jid dheer oo cadaalad darro taariikhi ah oo ka dhan ah dadkeena.”
Waxa ay sidoo kale ugu baaqday wadamada caalamka in ay dhaqan geliyaan waaranka oo ay ka shaqeeyaan sidii ay u joojin lahaayeen waxa ay ugu yeertay “dambiyada xasuuqa ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ee aan isdifaaci karin ee Marinka Gaza”.
Israa’iil ayaa si adag u beenisay in ciidamadeedu ay xasuuq ka geysanayaan Falastiiniyiinta ku nool Gaza.