sbedel Kama dhicin Maamulka somaliland Muuse ayaa tagay Ciro ayaana yimid” Khaatumo Maxkamad bay saaraysaa Muuse Biixi iyo kuwii shacabka ssc khaatumo xasuuqay.
Madaxwaynaha Maamulka ssc Khaatumo Abdiqaadir Ahmed Aw Cali oo salaadii Jimce Kadib Boqolaal shacabka kala hadlay Misjid Jaamaca wayn ee Magaalada Buuhoodle ayaa ka Hadlay doorashadii dhawaan ka dhacay Maamulka somaliland.
Madaxwaynaha Maamulka ssc Khaatumo ayaa sheegay in Maamulka somaliland aanay ka dhicin wax is Bedel ah Waxaa tagay Muuse Biixi Waxaana yimid Ciro” ssc khaatumo Uma aragto inuu is Bedel dhacay.
Madaxwaynaha Maamulka ssc Khaatumo ayaana sheegay in Maxkamad la soo taagi doono Danbiile Muuse Biixi oo xasuuq Balaadhan ka gaystay deegaanada ssc khaatumo.
Ma dhacayso Wadahadal dhexmara Maamulka ssc khaatumo iyo Maamulka somaliland ilaa inta ay ogolaanayaa Midnimada iyo jiritaanka dawlada Somalia kana tanaasulayaa inay yihiin Maamul gaar ah.
Horjoogayaasha Maamulka Hargaysa Waa inay ka tanaasulaa inay sheegtaan deegaanada ssc khaatumo oo leh Maamul Buuxa oo shacabku dhisteen kuwa yimid rabitaankooda.