Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahad celiyay Turkiga kaalinta ay ku leeyihiin taageerada amniga ee Soomaaliya.
“Waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa madaxweyne ku xigeenka dalka aan walaallaha nahay ee Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Cevdet Yılmaz, soo dhawayntii wanaagsanayd ee uu noo sameeyey. Intii uu kulanku socday waxaan uga mahadceliyey Jamhuuriyadda Turkiga taageerada qiimaha leh ee ay siiyeen nabadda iyo amniga Soomaaliya iyo guud ahaan Bariga Afrika”.
Wasiirka Gaashaandhigu waxa kale oo uu sheegay in laga wadahadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada wadan, gaar ahaan dhinaca ammaanka.
“Waxaan sii wadi doonnaa in aan si go’aan leh u sii horumarinno xiriirka xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga dhinac kasta iyo sii xoojinta xiriirka walaaltinimo ee naga dhexeeya” ayuu yiri Wasiir Cabdiqaadir.