Senator Lindsey Graham, oo ka mid ah aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa ugu hanjabay dalalka Yurub iyo Canada inuu Mareykanka cunaqabateyn saari doono haddii ay dhaqangeliyaan ama taageerraan go’aanka maxkamadda dambiyada ee ICC ee la xiriira in la soo xiro Netanyahu— Inta badan dalalka Yurub oo Ingiriiska uu ku jiro iyo Canada waxay sheegeen inay xiri doonaan Netanyahu haddii uu dalkoodo yimaado.
Graham, dareenka uu ku soo bandhigay hadalkan wuxuu u hadlay sida inuu u hanjabayo, kuwa bariga dhexe , balse xaqiiqda waa in haddii uu Mareykanka cunaqabateyn saaro dal Midowga Yurub ah inay ku soo bixi doonto qoraxda! sababtoo ah dhammaan dalalka Yurub ayaa si wadajir ah markaa cunaqabateyn u saaraya Mareykanka, marka tani waa in si aan ka fiirsasho lahayn uu u yiri Senator Lindsey Graham. Mareykanka siyaasiyiintiisa si ka badan waqti kasta oo hore waxay soo bandhigayaan hadallo ka fog xaqiiqda, iyagoo si indho la’aan ah u luminaya wax walba , sabab la xiriirta taageerrada Netanyahu iyo Israa’iil , wuxuuna u dhaqmaya Mareykanka sida dal ka yimid ‘meere kale’, ma garanayo habdhaqankan inuu Mareykanka u noqon doono siriq , lugaha ka xirta oo istaagi ka ridi doonta..!
Hadda dalalka Yurub oo uu hoggaaminayo Faransiiska ayaa dadaal kooda oo dhan ku bixinaya sidii Yurub ay uga bixi lahayd ku tiirsanaanta Mareykanka , tan oo xataa laga maqlay Emmanuel Macron, isagoo bartamihii sannadkan sheegay soo laabashada Trump inay uga faa’iideysato Yurub, sidii ay isugu tiirsanaan lahayd , halkii ay sugi lahayd Mareykanka.