Ciidamada difaaca dowlad goboleedka Puntland , ayaa ku jira diyaar garow dagaal oo ka dhan ah kooxaha argagaxisada ah ee ku sugan buuraha gobolka Bari, waxa ayna ciidamada qorsheenayaan maalmaha soo socda in guluf dagaal qaadaan.
Taliyaha guud ee ciidamada difaaca dowladda Puntland Jeneraal, Aadan Cabdi Xaashi, ayaa booqasho aan horey loo sii shaacin ku tagay buuraha silsilada ee Golis, waxa uuna durba halkaasi ka bilaabay abaabul dagaal oo la doonayo in aagaasi looga saaro maleeshiyaadka hubeysan ee ku sugan
Taliyaha iyo saraakiil kale oo la socota ayaa booqasho ugu tagay ciidamada Puntland ee ku sugan saldhigyada Sugurre iyo Balli-khadar ee dhaca buuraha Golis, waxa ayna saraakiiishan ciidamada ku wargaliyeen in ay u diyaar garoobaan dagaal xureyn ah.
Ciidanka difaaca Puntland , ayaa taliyahooda waxa uu faray in ay isu diyaariyaan guluf ciidan oo lagu soo afjarayo argagixisada ku dhuumaaleysata qaar ka mid ah degaannada buuralayda gobolka Bari, waxa uuna taliyaha sheegay in howlgalkan noqonayo mid ka duwan kuwii hore.
Madaxtooyada Puntland ayaa horey ugu dhawaqaday in la qaadayo howlgallo ka dhan ah kooxaha argagaxaisada ah ee ku sugan buuraha gobolka Bari, waxaana hadda socda diyaar garow dagaal ay wadaan ciidamada maamulka Puntland.