Heemaal News Network

Dawlada Oo ka Hadashay Somali badan Oo ku Dhimatay Badda Madagaskar

Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo tahriib u ahaa Jasiirada Mayoota, ayaa la sheegay in ay ku dhinteen badda Jadiiradda Madagaskar, kaddib markii ay ciladowday doontii ay saarnaayeen.

Safiirka Midowga Afrika u fadhiya dowladda Soomaaliya Cabdullahi Warfaa, ayaa faahfaahin ka bixiyay doonyo siday in ka badan 70 qof oo muhaajiriin Soomaali ah oo ku qalibmay wadanka Madakaskar.

Danjire Cabdullaahi Xaaji Warfaa ayaa sheegay in doomahan oo ahaa laba ay saarnayeen dad gaarayo 70-qof, waxaa ku dhintay in ka badan 28 Soomaali ah, halka 48 ay ku dhaawacmeyn,Kuwaas oo ay soo bad-baadiyeen kaluumeysato u dhashay wadanka Madakaskar.

Safiir Warfaa ayaa intaasi ku daray in safaaradda ay waddo qorsha ah in dadkaa inta bad baaday sidii dalka loogu soo celin lahaa, isagoo sheegay in si dhaw loola socon doono dadka qaba dhaawacayda ee hadda gacanta ku heyso dowladda Madakaskar.

Sidoo kale, waxa uu tacsi u diray dhammaan eheladii ay ka geeriyoodeen dadkaasi soomaaliyeed, isagoona sheegay in safaaradda waddo dadaallo lagu ogaanayo halka laga soo ka xeeyay dadkan iyo goobta ay u socdeen.