Heemaal News Network

Xukuumadda oo ka shirtay ilaalinta hantida dawlada ee xiliga Kala guurka iyo sugidda amniga .

Xukuumadda oo ka shirtay ilaalinta hantida dawlada ee xiliga Kala guurka iyo sugidda amniga .

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arimaha gudaha Ayaan dhig naa sidan.

“Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed waxaa uu kulan la qaatay Gudoomiyeyaasha Gobolada Dalka iyo Taliyeyaasha Ciidamada, kulankan ayaa ku saabsanaa adkaynta iyo xoojinta nabadgelyada guud ee Dalka, waqtiga lagu jiro kala guurka.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL waxaa uu ku adkeeyey Gudoomiyeyaasha Gobolada adkaynta amniga si aanu debec ugu iman nabadgelyada, waxaa kale oo iska xog-waraysteen Wasiirka iyo Gudoomiyeyaasha Goboladu xaalad guud ee nabadgelyo ee Dalka oo dhan.

Dhinac kale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL waxaa uu faray Gudoomiyeyaasha Gobolada Dalka iyo Laamaha amniga in la ilaaliyo hantida Qaranka mudada lagu jiro kala guurka, sida gaadiidka Dawladda, wasiirka ayaa ku adkeeyey dhammaan Gudoomiyeyaasha ilaalinta Hantida Qaranka inta ay Xukuumadda cusubi la wareegayso xukunka Dalka.

Cabdillaahi Axmed Caarshe

Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL