Maxkamadda sare ee Kenya ayaa joojisay amar xasaanad iyo maamuus gaar ah lagu siinayay hay’adda Bill iyo Melinda Gates.
Bishii la soo dhaafay ayaa loo ogolaaday shaqaalaha hay’adda in loo sameeyo canshuur dhaaf iyo faa’idooyin kale oo la mid ah kuwa la siiyo dibolaamisiyiinta shisheeye.
Dowladda waxay ku sheegtay sababta waxaas loogu sameeyay hay’adda in ay tahay howlaha ay ka qabteen dagaalka lagula jiro saboolnimada adduunka.
Ururka qareenada Kenya ayaa sheegay in dowladda ay jabisay sharciga ogolaanaya in maamuus gaar ah la siiyo shaqaalaha hay’adda Gates sida in ay leeyihiin xasaanad aan dacwad lagu soo oogi Karin.
Bill Gates ayaa lacag badan siiyay Kenya taas oo ku baxday adeegyada caafimaadka iyo beeraha.
Meelaha qaar waxaa la sheegay in loo baahan yahay in taxadar la muujiyo sababtuna waxay tahay cabsida laga qabo in beeraleyda ay noqdaan kuwa ku tiirsan abuurka iyo bacriminta shirkadaha waa weyn ee beeraha.