Wasiirka maaliyadda Israa’iil, Bezalel Smotrich ayaa meel fagaare ah shalay ka sheegay in soo laabashada Trump uga faa’iideysanayaan kala bar dadka ku nool Qasa in loo masaafuriyo goob kale, isagoo markaa sheegay in 5 bilyan ay ku filantahay si qorshahan loo fuliyo si fududna ay Israa’iil ku qabsato marinka Qasa.
Hadalkan , waxaa inooga dhigaya mid dhab ah muddo xileedkii hore ee Trump wuxuu xafiiska ka tagay isagoo gacanta ku haya qorshe Suudaan looga dhaadhicinayo inay diyaariso goob loo soo masaafurinayo xubnaha Xamaas iyo qoysaskooda reer Qasa.
Suudaan ayaa la sheegay inay arintan ku beddelanayso in laga saaro liiska argagixisada iyo liiska dalalka laga mamnuucay Mareykanka , halka ay sidoo kale Suudaan xiriir diblomaasiyadeed la sameynayso Israa’iil— tan way aqbashay Khartuum, balse waqti ay ku dhawayd inay ku dhawaaqday xiriirka diblomaasiyadeed ee Israa’iil waxaa qarxay dagaalka labada janaraal. Hadda wararku waa in Chad iyo Rwanda , midkood loo masaafurin doono dadka Qasa..!