Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in weerarka lagu soo qaaday shacabka SSC-Khaatumo ee ku sugnaa guryahooda iyo goobahooda ganacsi uu yahay tallaabo xadgudub ah oo ka dhan ah xuquuqda aasaasiga ah ee dadka deegaankaas. Wuxuu intaas ku daray:
“Weerarka ay maamulka gooni-goosatada ahi kusoo qaadeen shacabka SSC-Khaatumo ee degan Ceerigaabo, kuna sugnaa guryahooda iyo goobahooda ganacsi, wixii ka dhaca kana dhasha weerarkaas mas’uuliyaddeeda waxaa qaadi doona maamulka isku sheegga gooni-goosatada ah.”
Wasiirka ayaa ugu dambeyn ku baaqay in beesha caalamka iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha ay tallaabo degdeg ah ka qaadaan xadgudubyada iyo gardarrada lagu hayo shacabka reer SSC-Khaatumo.