Dagaalkii Xisbullah iyo Israa’iil oo la soo gabagabeeyay ka dib markii ay dhaqan gashay xabad joojin la dhex dhigay taasoo ay wada shaqeeyeen dowlada Lubnaan, Mareykanka iyo dalal kale
Muddo sannad ah oo dagaalkan uu socday, kaasoo ujeedkiisu ahaa in Xisbullah ay ku cadaadiso Israa’iil joojinta xasuuqa Qasa, ayaa ugu dambeyntii maanta dhamaaday
Heshiiska sida lagu muujiyay Waa joojinta duqeymaha, cir, bad iyo dhul ee ay Israa’iil ka geysanaysay muddo sannad ah gudaha Lubnaan, halka Xisbullah ay joojinayso duqeymaheeda gantaallada iyo diyaaradaha.
Xisbullah ma awoodin inay gaarto hadafkii ay u gashay dagaalka ee ka joojinta Israa’iil ee xasuuqa Qasa, laakin kooxdu waxay noqotay cidda khasaaraha ugu badan kala kulantay iyadoo taageerraysa Qasa
Hase ahaatee Xisbullah ayaa awooday inay ka difaacaan Israa’iil inay qabsato dhulka Lubnaan, inta uu socday dagaalka dhulka ee dabayaaqadii bishii September soo bilowday, waxay burburiyeen ciidanka Israa’iil oo ay gaarsiiyeen khasaare dhimasho, dhaawac iyo burburinta taangiyada iyo gaadiidka kale.
Xaalada xadka labada dhinac ayaa degan, mana jiraan wax dagaalo iyo duqeymo toos ah oo dhexmaray labada dhinac, marka laga reebo israsaaseyn meelaha qaar laga maqlayey.
Sida heshiiska ku cad, xabad joojinta ayaa bilaabatay saaka afarti subaxnimo ee xilliga Bariga Dhexe.
Madaxweyne Biden ayaa sheegay, in Israa’iil ay si tartiib tartiib ah ula bixi doonto ciidamadeeda muddo 60 maalmood ah iyadoo ciidamada Lubnaan ay la wareegayaan dhulka u dhow xadka ay la wadaagaan Israa’iil si loo hubiyo buu yiri in Xisbullah aysan dib u dhisin kaabayaasheeda aaggaasi.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ka hadlay heshiiska ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ku sheegay, in heshiiska uu ku yimid dadaallo muddo bilo ah socday oo ay wadeen madaxda Isra’il iyo Lubnan oo kaashanaya Mareykanka.