Heemaal News Network

Mucaaradka ka Dagaalama Siiriya Oo Dilay Gen. Porhashmi

Duullaanka dagaal ee ka socda waqooyiga Suuriya ee ay bilaabeen kooxaha sunniyiinta ka soo horjeeda Maamulka Bashar Al-Assad ayaa la sheegaya inay u suragashay inay dilaan Sarreeye Guuto, Kiyomarth Porhashmi.

Sarkaalkan ayaa ka tirsanaa ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran, iyagoo sidoo kale la sheegay inuu ahaa la-taliyaha saraakiisha kaga sugan gudaha Suuriya ciidanka Iran, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Iran.

Kooxaha hubeysan ee mucaaradka Suuriya ee billaabay dagaalka ka dhanka ah maamulka Bashaar Al-Assad ayaa sidoo kale gaaray saldhigyo muhiim ah iyo aagga istiraatijiga ah ee waqooyiga Suuriya oo ay ka saareen ciidanka Suuriya, Xisbullah iyo kooxaha kale ee ay taageerto Iran oo joogintaankooda Suuriya ay la xiriirto si ay xukunka ugu ilaaliyaan nidaamka Shiicada ee Assad.

Muuqaallada la soo bandhigay waxaa ku jira tangiyada ciidanka Suuriya oo ay saldhigyada kala baxeen kooxaha sunniyiinta ee dagaalka billaabay.

Mucaaradka Suuriya ayaa 10 km u jira bartamaha magaalada Xalab. Waxayna qabsadeen degaano ay ka mid yihiin Khan Al-Asal ka dibna Al Zarba, oo labaduba ah goobo istaraatiiji ah oo ku fadhiya waddooyinka muhiim ah.

Waxay noqonaysa horumarkii ugu sarreeyay ee sunniyiinta Carabta ah ay ka gaarayaan dagaalka ay kula jiraan maamulka Bashaar Al-Assad ee dib uga qarxay saacado ka hor gudaha Siiriya.