“Si loo helo hubanti dheeraad ah oo la xidhiidha qaxootiga la keenayo, iyo kafaala qaadayaasha, waaxda socdaalka, qaxootiga iyo dhalashada Canada (IRCC) waxay si ku meel gaar ah u joojisay qabashada codsiyada cusub ee kooxaha shanta ah (Group five) iyo kafaala qaadayaasha barnaamijka bulshada ee hoos imaanaya barnaamijka PSR laga bilaabo Noofambar 29, 2024”.
Qaraarka ka soo baxay dowladda Canada ee dhimista soo galootiga ayaa ku soo aadaya xilli dhawaanahaanba ay dowladdaas waday hoos u dhigista soogalootiga.
Soomaali badan ayaa ku jirta xeryaha qaxootiga Kenya, Uganda iyo dalal kale kuwaas oo qaarkood horay u xaraystay codsiyadooda halka qaar aysan wali gudbin codsiyadooda, xannibaada cusub ee muddada sanadka ah ayaana saamayn ku yeelan doonta dadka aanan wali gudbin codsiyadooda kuwaas oo ku jira qaxootiyada.
Hakinta Canada waxa ay imanaysaa xilli Mareykan iyo Yurub ay soo celinayaan qaxoonti badan.