Xoogaga fallaagada Suuriya ayaa la wareegay “kala bar” magaalada labaad ee ugu weyn dalka ee Xalab, sida ay sheegtay kooxda la socodka xuquuqda aadanaha Suuriya ee SOHR ee fadhigeedu yahay UK.
SOHR waxay sheegtay in 277 qof – oo ay ku jiraan in ka badan 20 rayid ah – la dilay tan iyo markii weerarku billowday Arbacadii.
Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa ee lagu qaado dowladda Suuriya muddo sanado ah, waana markii ugu horreysay oo fallaagada dagaalka kula jirta ciidamada Bashaar Al-asad ay gaaraan Xalab tan iyo markii ay xoog uga saareen ciidamada dalkaas sannadkii 2016-kii.
Gegida dayuuradaha ee Xalab iyo dhammaan waddooyinka soo gala magaalada ayaa la xiray, sida ay ilo-wareedyo milateri u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.
Fallaagada waxaa u suurtagashay in ay qabsadaan “kala bar Xalab” iyaga oo aan la kulmin iska caabin weyn, ayuu agaasimaha SOHR Rami Abdel Rahman u sheegay wakaaladda wararka ee AFP subaxnimadii Sabtida.
“Ma jiro wax dagaal ah, hal xabbadna ma dhicin, markii ay ciidamada talisku ka baxeen,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Horaantii Jimcihii, ciidamada dowladdu waxay sheegeen inay dib u qabsadeen dhowr magaalo oo ka tirsan gobollada Xalab iyo Idlib, ka dib weerarkii ay qaadeen HTS iyo kooxaha huwanta ah Arbacadii.