Dhaqdhaqaaqyada mucaaradka ayaa u sheegay bulshada Suuriya inaysan jirin cid kala sooci karta muwaadinka Suuriya ee sunniga ama shiicada ah ee aan u hubeysnayn si uu u difaaco Bashaar Al-assad, iyagoo iska diidday hadallo ka soo baxay dhinaca Iran oo saraakiishooda ay ku sheegeen howlgalka mucaaradka mid lagu xasuuqayo bulshada Shiicada, hadal laga sii daayay qolka howlgalka mucaaradka oo ay baahisay Al Jazeera ayaa sidoo kale la faray shisheeha ku sugan Suuriya ee hubka u sita difaaca Bashaar Al -assad inay isaga baxaan Suuriya.
Iran ayaa u muujinaysa howlgalka mucaaradka mid dhinacyo shisheeye ay wadaan oo lagu beegsanayo shiicada Suuriya, xilli kumannaan shiico ka timid Iran, Ciraaq, Afgaanistaan, Pakistan iyo ciidamo dalal kala duwan ka socda ay ku sugan yihiin gudaha Suuriya, kuwaasoo halka u jooga inay ilaaliyaan Bashaar Al-assad, muddada ka badan tobanka sanno ee dalkaa uu ku jiray dagaalka , waxay ku kaceen xad-gudubyo iyo xasuuq ka dhan ah bulshada sunniga,taa oo hadda ku dhalinaysa Iran walaac ay ka qabto mucaaradka sunniga ah inay aargoosi kula kacaan shiicada.