Heemaal News Network

Asad Oo Xiriiro Qeylo dhaan ah la Sameynaya Madaxda Carabta

Madaxweynaha xaalku ku adag yahay ee Siiriya Bashar Al-assad ayaa si aan horey loo arag ula xiriiray dhammaan hoggaamiyayaasha Carabta, si ka duwan 2016 , markii dagaalka Suuriya uu Assad soo galiyay Iran iyo Ruushka, isagoo bixiyay dadaal weyn oo uu ku doonayo inuu taageerro ka helo Carabta, iyadoo ololahan ay gacan ku siinayaan Imaaraadka Carabta iyo Ciraaq— dadaalka waa in xal loo helo dagaalka oo lagu joojiyo wada-xaajood looga dalbanayo Turkiga si uu u joojiyo dhaqdhaqaaqyada mucaaradka Carabta ee wada howlgal ay waqooyiga uga saareen Maamulka Assad.

Tani waa isbeddel, sabab la xiriirta xaaladda ay wajahayaan Ruushka iyo Iran, oo si cad uma heli karo Assad awooddii ay dhinac dhigeen oo ay ku burburiyeen dhaqdhaqaaqii mucaaradka Ruushka iyo Iran, iskudaygiisa waa in hab diblomaasiyadeed uu mar kale xal ugu helo dagaalka uu wajahayo, isagoo ka faa’iideysanaya xiriirka dib u soo laabtay ee Carabta.

Imaaraadka Carabta, oo markan uu diiradda saarayo Assad , ayaa dhankooda fursad u arkaya inay saameyn ku yeeshaan arrimaha Suuriya, sababtoo ah hadda Suuriya waxaa hoos loo dhigay cunaqabateyntii muddada saarnayd, taasoo ay uga faa’iideynayso Abu Dhabi inay shirkadaheeda geliso Suuriya.

Balse, iskudayga badbaadada diblomaasiyadeed ee Assad ayaa halis ku ah qorshaha Iran oo aan dooneyn dalalka Carabta inay door ku yeeshaan xaaladda Suuriya, iyadoo hadda ay bixinayso Iran dadaallo ay ku raadinayso sidii ay Turkiga ugu qancin lahayd in la joojiyo dhaqdhaqaaqa mucaaradka, oo wada-xaajood dib loo galo, si loo helo habab xal loogu helayo colaadda dib u cusboonaatay.

Turkiga ayaa doonaya inuu fursada uu u heysto ballaarinta doorkiisa Suuriya inuu xoojiyo tan oo badbaado u leh siyaasadda gudaha ee xisbiga hoggaamiya Turkiga ee AK Party oo cadaadis kala kulmaya joogitaanka malaayiinta qaxootiga Suuriya ee gudaha Turkiga oo ay doonayso Ankara inay si nabad ah ugu celiso dhulkooda.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran, wuxuu tagi doonaa berri Ankara, markaasoo la arki karo wajiga diblomaasiyadda waxa uu ka beddelayo dagaalka, balse awoodda badan ee gacanta ugu jirta Xayat Taxriir al-Sham (HTS) ayaa suuragal ka dhigi karta in maalmo kale oo dagaal dheer la arko, inay hadda joogaan magaalada Xama ayaa siinaysa hamiga ay iskudayi karaan inay gaaraan magaalada Xumus, si ay go’doon u geliyaan maamulka Bashaar Al-assad, markaa oo ay awood u yeelan karaan inay la galaan Assad gorgortan siyaasadeed oo door siinaya dhaqdhaqaaqyada sunniga Carabta ah.

Turkiga waxaa kalo uu dedejinaya in natiijada uu doonayo xilli hore ay soo baxdo, maaddama uu jirto walaac laga qabo maamulka Trump inuu ciidanka Mareykanka ka saaro dhul ballaaraan oo gobollada bari ee kurdida Suuriya, halkaasoo uu diiradda saarayo Turkiga, natiijo muhiim ah oo ay dagaalka ka gaaraan Carabta ayaanna ku riixi karta kurdida inay heshiis la galaan Turkiga si uu uga saaro liiska argagixisada, markaasoo ay Ankara gacanta ku dhigi karto ceelasha shidaalka ee ay ka bixi karaan ciidanka Mareykanka.