Dhaqdhaqaaqa mucaaradka Suuriya , ayaa qabsaday saldhigga nidaamka difaaca hawada ee waqooyiga magaalada Safira, iyagoo gacanta ku dhigay nidaamka difaaca S-125 iyo raadarka SNR-125.
Sidoo kale dhaqdhaqaaqa mucaaradka Suuriya, ayaa gacanta ku dhigay afar saldhig oo ciidanka cirka ee ku yaallay waqooyi Suuriya, tan oo ka dhigaysa inay dhammaan hadda la wareegeen saldhigyadii ku yaallay waqooyiga. Arrinta kale , waa inay maanta qabsadeen dhowr diyaaradood oo MiG-23 oo yaallay saldhigga cirka ee Neyrab.
Ciidamada mucaaridka ayaa sidoo kale maanta qabsaday Saldhig kale oo taangiyada iyo kaarayaasha ee maamulka Assad ee waqooyi Suuriya.
Haddii aad ka fakarayso ma heli karaan cid u duulin karta, hadda dagaalka ay ku jiraan dhab ahaan uma adeegsan karaan diyaaraddo dagaal, balse dhaqdhaqaaqa waxaa qeyb ka ah ciidan ka soo goostay maamulka Bashaar Al-assad, kuwaasoo awood u leh adeegsiga nidaamyada kale duwan ee dagaalka, si dhaqso ah waxay u howlgeliyeen dhammaan taangiyadii dagaal , gantaallada, madaafiicda iyo agabkii kale ee ay qabsadeen, taa oo sare u qaadaysa awoodooda dagaalka.