Fidan ayaa sidoo kale faragelinta ku sheegay inay danqinayso boogihii uu Assad diidday inay dhayo 13-kii sanno ee dagaalka uu ku jiro dalkaa.
Hakan Fidan oo uu dhinac taagnaa wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa Ankara ka sheegay; “ Isbeddellada ugu dambeeyay ee Suuriya -waxaa sabab u ah dhibaatooyin aan la xallin 13-kii sanno ee la soo dhaafay….Ku guuldarraysiga xallinta mashaakilaadka gudaha ee Suuriya ayaa horseeday isku dhacyadii dhowaan dhacay, taliskuna dheg uma dhigin digniintayada.”