Ururka Xisbullah ayaa gangaallo ku weerarray goobaha ay ciidanka Israa’iil heystaan ee koonfurta Lubnaan, gaar ahaanna beeraha Shebaa, iyadoo warsaxaafadeed ay sii daysay Xisbullah lagu sheegay in weerarka uu ahaa mid is difaac ah, halka Israa’iil ay sheegtay in gantaallada ay ku dhaceen goobo bannaan oo aysan dhalin wax khasaare ah.
Gantaalladan ayaa ka dhigan weerarkii u horreyay ee ay Xisbullah qaadayso, tan iyo Arbacadii markii heshiis xabbad-joojin ah la galay balse kama gudbin dhulka Lubnaan, iyadoo tobannaan weerar ay geysatay Israa’iil.
Dhinaca kale Netanyahu, ayaa ku hanjabay inay si adag uga jawaabi doonaan gantaallo ay soo riddeen Xisbullah oo aan ka soo gudbin dhulka la heysto , balse wuxuu ku sheegay inay tani ka dhigantahay ku xad-gudub weyn oo xabbad-joojintii ah — waxaa kalo uu caddeeyay nooc kasta oo weerar ha ahaato mid yar ama mid weyn oo ka imaanaya Xisbullah inay si adag uga jawaabi doonaan.
Sidoo kale Israa’iil ayaa bilowday duqeymo culus oo ay ka geysanayso koonfurta Lubnaan, iyagoo sheegay inay beegsanayaan saldhigyada Xisbullah — weerar ay ku sheegeen inay uga jawaabayaan madaafiic ay maanta riddeen Xisbullah.
Hadda, waa in xabbad-joojinta ay tahay mid jilicsan, dagaalka Xisbiga iyo Israa’iil ayaa mar kale waqti kasta la arki karaa, mana jirin joojin dhinac Israa’iil ah illaa Arbacadii oo ay dhowr weerar Israa’iil ka geysatay koonfurta Lubnaan.