Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa markii u horreysay maanta si cad usoo bandhigay sida ay ugu qanacsanyihiin horumarka ay gaarayaan mucaaradka Suuriya oo uu sheegay inuu rajeynayo inay gaaraan illaa Dimishiq, iyadoo aysan wax dhibaato ah dhicin , isagoo intaa ku daray; “ Waan wacnay Assad — waxaanu nidhi, aynu isla go’aansano mustaqbalka Suuriya! Ma aanan helin jawaab wanaagsan.”