Heemaal News Network

Gantaalo iyo Diyaarado Dagaal Oo loo Dirayo Suuriya si ay Bashaar u Taageeraan

Iran ayaa Suuriya u diri doonta gantaalo, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo la-taliyeyaal dheeraad ah, sarkaal sare oo Irani ah ayaa sidaas sheegay Jimcaha maanta ah, iyadoo xoogagga mucaaradka ay duullaankooda xooggan kusii siqiyeen koonfurta magaalada Xumus.

Qabsashada Xumus waxay caasimadda Suuriya ee Dimishiq ka goyn doontaa xeebta, halkaasi oo ay ku badan yihiin Calawiyiinta tirada yar ee uu Asad ka soo jeedo, sidoo kalena saldhig ciidamada cirka ah ay ku leeyihiin Ruushka.

Dhanka kale, Hezbollah ayaa tiro yar oo “ciidamo kormeer” ah ka dirtay Lubnaan xalay ayaga oo ku wajahan Suuriya si ay gacan uga geystaan ka hortagga dagaalyahannada dawladda ka soo horjeeda inay qabsadaan magaalada Xumus, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegeen laba sarkaal oo ka tirsan laamaha ammaanka Lubnaan.

Sarkaal ka tirsan militariga Suuriya iyo laba sarkaal oo ku dhow Tehran ayaa sidoo kale u sheegay Reuters in qaar ka mid ah ciidamada xulka ah ee ururka Xizbullah ee ay taageerto Iran ay xalay ka soo gudbeen Lubnaan oo ay fariisimo ka sameysteen magaalada Xumus.

Kadib sanado is-mari waa ah, mucaaradka ayaa billaabay weerar xooggan oo ay ku qabsadeen qeybo badan oo ka mid ah waqooyi galbeed, waxaana Assad uu hadda wajahayaa kacdoonkii ugu xoogganaa tan iyo markii uu dagaalka sokeeye billowday 13 sano kahor.

Bashaar Al-Assad ayaa dib ula wareegay gacan ku heynta inta badan Suuriya kadib markii xulafadiisa muhiimka ah ee Ruushka, Iran iyo kooxda Xizbullah ee Lubnaan ay u soo gurmadeen. Laakiin dhammaantood waxaa dhowaan weeciyey xasarado kale, taasoo siisay dagaal-yahannada Muslimiinta Sunniga ah ee Suuriya daaqad ay kusoo rogaal celiyaan.

Madaxa kooxda Suuriya ee hogaaminaysa weerarka ayaa CNN u sheegay in kooxdiisu – oo hore uga tirsanaan jirtay Al-Qaacida, haddana loo yaqaan Xayaat Taxriir al-Shaam – ay doonayaan inay “dhisaan Suuriya” oo ay dib ugu soo celiyaan qaxootiga Suuriya ee Lubnaan iyo Yurub.

Wuxuu ahaa wareysigii ugu horeeyay ee Abu Mohammed Al-Golani tan iyo markii ay kooxdiisu bilaabeen inay dhulal ka qabsadaan ciidamada Bashaar Al-Asad, 27-kii November. Jabhadda ayaa ilaa hadda qabsaday laba magaalo oo waaweyn, waxayna hadda ku sii jeedaan magaalada muhiimka ah ee Xumus.

Xayaat Taxriir al-Shaam waxay ka go’day Al-Qaacida sannadkii 2016-kii, waxayna sheegtay in aysan wax khatar ah ku hayn reer galbeedka, ayadoo sannado badan isku dayaysay inay qunyar socod ka dhigto muuqaalkeeda, isuna soo bandhigto inay suuta-gal ah u tahay Assad.