Heemaal News Network

Wasiirka A.Dibadda Ruushka Oo ka Hadlay Shirka Doha Ee Turkiga Iyo Iran Ee Xalka Suuriya

Ruushka, ayaa qaatay mowqifka Turkiga oo horey usoo bandhigay in xalka uu ku jiro Assad inuu wada-xaajood la furo mucaaradka, kaddib markii mowqifkaa mid la mid ah uu soo bandhigay wasiirka arrimaha dibada Ruushka, Sergey Lavrov oo hadlay markii uu soo dhammaaday kulan saddex-geesood ah oo ay Dooxo ku yeesheen wasiirrada Turkiga, Ruushka iyo Iran.

Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergey Lavrov ayaa sheegay in si wadajir ah Turkiga, Iran iyo Ruushka ay u qaadi doonaan tallaabooyin lagu xoojinayo baaqa diblomaasiyadeed ee dejinta colaadda Suuriya , wuxuuna tilmaamay inay soo saarayaan baaq wadajir ah oo la xiriira sidii ay wada-xaajood u gali lahaayeen mas’uuliyiinta Suuriya iyo mucaaradka sharciga ah.

Lavrov, wuxuu shalay qiray waxa ka socda Suuriya inay tahay ciyaar adag oo ay ku hoos jiraan arrimo badan, markaa oo tilmaam uu ka bixinayay wax walba inay ka sarreeyaan qiyaasaha caadiga ah.

Ciidanka nidaamka Assad ayaa isaga baxay deegaanka Al-Dumayr iyo saldhigga milatari ee ku yaalla baadiyaha Dimishiq, taa oo ka dhigan inay furantahay waddada dhanka bari ee tagaysa gudaha Dimishiq.

Dhaqdhaqaaqa mucaaradka Suuriya , ayaa baahiyay warsaxaafadeed ay ku sheegayaan inay guda galeen wajiga u dambeeya ee howlgalkooda oo ay isku diyaarinayaan galitaanka magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya oo ay la wareegeen deegaannada koonfurta ee Dimishiq.

Mucaaradka Suuriya ayaa ku sugan masaafo 20 km u jirta koonfurta caasimadda Dimishiq, kaddib markii ay qabsadeen deegaannada Al-Sanamayn iyo Zakiah, iyagoo la arkay ciidanka nidaamka Bashaar Al-assad oo lug uga baxaya deegaanka Zakiah ee koonfurta Dimishiq.