Muxammad Al-Bashiir ayaa loo magacaabay Ra’iisul wasaaraha kumeel-gaar ah ee Suuriya , kaasoo shaqadiisa ay noqon doonto inuu soo dhiso dawlad cusub oo maareysa marxaladda kumeel-gaar ah ee Suuriya. Waa tallaabo meesha looga saarayo firaaqa nidaam ee shalay ay gashay Suuriya , markii dhaqdhaqaaqa mucaaradka ay la wareegeen xukunka, iyagoo meesha ka saaray nidaamkii Bashaar Al-assad.
Al Bashiir, ayaa 13 bishii Jannaayo ee sannadkan, 2024 waxaa loogu doortay magaalada Idlib oo ay ka yimaadeen xooggaga la wareegay xukunka Suuriya inuu noqdo Ra’iisul wasaaraha dawladda badbaadada Suuriya (SSG) , si ay u maamusho Idlib iyo waqooyiga Suuriya, markaa oo uu dhisay gole wasiirro iyo hay’adihii kale ee dawladda.
Muxammad Al-Bashiir, waxa uu ku dhashay Jabal Zawiya ee gobolka Idlib sannadkii 1983-kii, waxa uu ka qallin-jabiyay jaamacadda Xalab sannadkii 2007-dii oo uu ka qaatay shahaahada injineernimada ee dhinaca korontada. Sannadkii 2011-kii, Al-Bashiir waxa uu noqday madaxa qaybta qalabka gaasta ee shirkadda Gaaska Suuriya.Wuxuu xiriir wanaagsan la leeyahay Julani iyo xubnaha golaha shuurada kooxda Hayʼat Tahrir al-Sham ee hoggaaminaysay kacdoonka militari ee xukunka looga tuuray Bashaar Al-assad.