Dhamaan 22 qof ayaa maanta si nabad ah ku soo gaaray magaalada Muqdisho, taasoo ka dhigeysa guul kale oo muhiim u ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda ku ilaalinayso xuquuqda iyo karaamada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dibadda, isla markaana lagu la dagaallamayo tahriibinta bani’aadamka.
Hawlgalkan guusha leh waxaa lagu gaaray dadaallada gaarka ah ee Wakiilka Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Arrimaha Socdaalka, Danjire Mariam Yassin, Agaasimaha Waaxda Qurba-joogta, Mudane Ibrahim Mohamud Guure; Guddoomiyaha Haweenka Maamulka Gobolka Banaadir, Marwo Jowhar Barqab; iyo Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Qaxootiga iyo Barakacayaasha (NCRI), Marwo Safiya Xasan Maxamed.