Heemaal News Network

Dalalka Jarmalka iyo Austria Oo Hakiyay Qaabbilaada Qaxootiga Suuriyaanka

Dalalka Jarmalka iyo Austria ayaa hakiyay qaabbilaada qaxootiga Suuriyaanka, waxaa kalo la hakiyay qoysaskii la isku keenayay , iyadoo Austria ay sheegtay inay diyaarinayso barnaamij dib loogu celinayo Suuriyaanka dalkooda. In ka badan 13,000 magangalyo doon Suuriyaan ah ayaa sannadkan gudbiyay codsiyadooda dalka Austria, sida ay ku warrantay CNN.

Wasiirka arrimaha gudaha Jarmalka, Nancy Faeser ayaa dhankiisa ku dhawaaqay in la hakiyay codsiyada magangalyo doonka Suuriya u dhashay. Wuxuu ka mid yahay Jarmalka dalalka ay Suuriyaanka ugu badan magangalyada ka codsadeen, kaliya sannadkii 2015-kii 1 milyan oo Suuriyaan ah ayuu qaabbilay, balse waqti hore waxaa bilowday doodaha dib u celinta Suuriyeenka.

Dalalkan Yurub ayaa soo saaray go’aamadan, maalin kaddib markii xukunka laga riday nidaamka Bashaar Al-assad, oo dhaliyay in tobannaan milyan oo Suuriyaan ah ay dalkooda ka qaxaan, kaddib dagaallo sokeeye oo dalkaa ka socday tan iyo 2011-kii.