Heemaal News Network

Gudomiyaha Jaamacadda Carabta ahna Boqorka Baxreyn Oo ka Hadlay isbadalka Suuriya.

Boqorka Baxreyn, Hamad bin Isa Al Khalifa oo ah guddoomiyaha shir madaxeedka ururka Jaamacadda Carabta ayaa maanta dhambaal u diray taliyaha hoggaamiya isbadalka Suuriya, Axmed al-Sharaa (Al Julani) iyo dawladda kumeel-gaar ah ee Suuriya.

Boqorka ayaa sheegay inuu rajeynayo in Suuriya ay dib usoo ceshato kaalinteedii dhabta ahayd ee ururka Jaamacadda Carabta.

Dhambaalka ayaa ka dhigan surtagalnimada in Julani ama Ra’iisul wasaaraha kumeel-gaarka ah ee Suuriya Al-Bashiir, lagu arki karo shir madaxeedka jaamacadda Carabta.

Sidoo kale dhambaalka uu tilmaam ka bixinayo in Sacuudiga iyo Imaaraadka ay beddeleen mowqifkooda ciidanka la wareegay Suuriya oo ay isku diyaarinayaan sidii ay iskaashi ula yeelan lahaayeen, sababtoo ah boqorka Baxreyn ma dirin dhambaalkan isagoo aan ogeysiin Riyadh iyo Abu Dhabi!