Heemaal News Network

Jubbaland Oo diyaarad soo Saartay Askartii ciidanka Dowladda Ee ku Qabtay Dagaalkii Raaskambooni

Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray gabal dhacii Shalay diyaarad siday qaar ka mid ah ciidankii dowladda ee dhawaan Jubbaland ku qabatay dagaalkii ka dhacay Arbacadii lasoo dhaafay deegaanka Raaskambooni.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland oo ay ku jiraan Wasiiro, guddoomiyaha Kismaayo iyo saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa diyaarada kasoo saaray askartaan deegaanka Raaskambooni.

Masuuliyiinta Jubbaland ayaa Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka ku wareejiyey askartaan lagu qabtay dagaalka, waxayna sheegeen inay ka xunyihiin dagaalkii dhacay iyo in wiilal Soomaaliyeed ay maxaabiis ahaan loo qabto.

“Maxaabiis kuma tilmaami karno wiil Soomaaliyeed oo ah kuwii xoogga dalka, waana ka xunahay wixii dhacay, balse waxaa ku faraxsanahay inaan dib ugu celino ayagoo nabad qaba Muqdisho iyo guryahoodi, dowladda waxaan ugu baaqeyna in wixii dhacay oo kale ay ka fiirsato, anaga hal cadaw ayaa leenahay waa Khawaarijta, hada taliyahii qeybta 43-aad oo Kismaayo ka howlgala ayaa inala socda oo Kismaayo nagala yimid marka ciidankan waa walaalo dhamantood waana ka xunahay wixii dhacay” ayuu yiri masuul u hadlay maamulka Jubbaland.

Askartaan lagu qabtay dagaalkii Raaskambooni ayaa isugu jiray Militeri, Boolis iyo Nabad Sugid, waxaana qaarkood oo warbaahinta la hadlay ay sheegeen in si waanagsan ula dhaqmeen ciidanka Jubbaland, islamarkaana ay ku faraxsan yihiin iney dib loogu celiyo Muqdisho.

“Waxaan Kismaayo uu ka soo baxay anigo aan fasax ka heysan dowladda federaalka, waxaana Jubbaland kala wareegay askartii ay maxaabiis ahaanta u qabteen, si wiilal Soomaaliyeed oo dhaawacyo iyo dhibaatooyin kale qaba aysan daryeel la’aan ugu dhiman Raaskambooni, muhiimadeyda waa inta wax siyaasad ahna ka hadli maayo maxa qaldan iyo maxa saxan midna” ayuu yiri Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Ugu dambeyntii Arbacadii lasoo dhaafay ayay aheyd markii dagaal culus oo dhexmaray ciidanka Jubbaland iyo kuwa dowladda uu ka dhacay Raaskambooni ay gacan ku heynta deegaankaas kula wareegeen ciidamada Jubbaland.