Heemaal News Network

Maamulka SSC-Khaatumo Oo War Adag kasoo Saaray Colaada Ceerigaabo Baaq-na u Dirtay Beesha.

War Saxaafadeed fiidnimadii caawa ka soo baxay Madaxtooyada Maamulka Khaatumo ayaa lagu sheegay in Madaxwenaha loo doorway Somaliland uu ku bilaabay mudo xileedkiisii duulaan iyo colaad lagu barakicinayo shacabka reer SSC ee ku dhaqan magaalada ceerigaabo, islamarkaana lagu xalaalaysanayo boobka hantidoo.

War saxaafadeedka ayaa lagu wargeliyey Dawladaha federaalka Soomaaliya, urur goboleedka IGAD iyo beesha caalamaka in Maamulka SSC aanu ka dul qaadan doonin Colaada Maamulka Somaliland ka aloosayo Magaaladda Ceeri gaabo.

War murtiyeedkana ayaa lagu soo gunaanaday In Maamulka SSC Khaatumo aanu aqbali doonin dĂ andaansiga ka imaanaya dhanka Hargeysa.