Heemaal News Network

Taliska Booliska Oo Hadda War Kasoo Saaray Gaadhigii Maydadka Laga Helay

Taliska guud ee Ciidanka Booliska JSL , waxa uu gacanta ku hayaa baadhista kiiska laba marxuum oo saaka laga helay maydkooda gaadhi dhexdii degmada Gacmo-dheere ee Hargeysa. Boolisku waxa uu bulshada u xaqiijiyay in baadhista kiiskaasi ay socoto , waxaana marka ay baadhitaanku dhammaado bulshada la wadaagi doonaa natiijada kiiskan.

Sidoo kale, Taliska Boolisku waxa uu digniin u dirayaa dadka baraha bulshada ku faafinaya wararka beenta ah ee ku saabsan kiiskan, waxaanan faraynaa in ay ka digtoonaadaan faafinta xogaha aan xaqiiqda ahayn.

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Booliska JSL.