Dawladda cusub ee Suuriya, ayaa maanta magacowday wasiirka kumeel-gaarka ah ee arrimaha dibadda Suuriya, xilkaa oo loo magacaabay Asaad Hassan al-Shaibani, oo loo yaqaan Zeid Attar, iyadoo shalay la arkay inuu qayb ka ahaa xubnihii la kulmay wafdigii ka socday Mareykanka ee booqday Dimishiq.
Waxyaabaha laga garanayo wasiirka cusub;
Asaad Hassan, waa 37 jir ku dhashay magaalada Al-Hasakah ee waqooyi-bari Suuriya, wuxuu ka soo jeeda qabaa’ilka reer Banu Shayban. Asaad ayaa ku barbaaray magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya, halkaa oo uu ka qallin jabiyay jaamacadda Dimishiq sannadkii 2009, kuliyadda fanka iyo luuqadaha. Waxa uu ku biiray kacdoonka Suuriya ee bilowday sannadkii 2011-kii.
2017-kii waxa uu ka qaybqaatay dhisidda xukuumadda badbaadada ee waqooyiga Suuriya oo ah halkan ay ka timid dawladda hadda xukunka la wareegtay- markaa wuxuu madax ka ahaa waaxda arrimaha dibadda ee xukuumadaa oo fadhigeedu ahaa Idlib,wuxuu xiriir la sameeyay Qaramada Midoobay iyo hay’addeeda , isagoo gacan ka geystay fududeynta hawlaha bani’aadamnimada.
Sannadkii 2022-kii waxa uu shahaadada labaad (Master-ka) ee cilmiga siyaasadda iyo xiriirka dibadda ka qaatay jaamacadda Sabahattin Zaim ee ku taalla magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Hadda waxa uu shahaadadiisa doctorate-ka ku dhamaysanayaa isla takhasuskaa, lagana yaabo in uu isla jaamacadda Turkiga ka qallin jabinayo. Diiwaankiisa waxaa ku jirta in sidoo kale jaamacad ku taalla Mareykanka ka qaatay MBA, wallow aysan caddeyn habka, sida inuu habka foggaan-arag ah ugu biiray jaamacadda la sheegay inay ku taallo Mareykanka.