Heemaal News Network

Imaaraadka Iyo Qadar Oo Balan-qaaday Inay Taageerayaan Dawladda cusub Ee Suuriya

Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqay inuu taageerrayo dawladda cusub ee Suuriya, markii uu Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta, Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan uu telefoon kula xiriiray maanta wasiirka arrimaha dibadda dawladda cusub ee Suuriya, Asaad Hassan al-Shibani, iyadoo inta uu socday wadahadalka labada wasiir ay isla soo qaadeen sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal iyo shacab ee dhinacyada danta guud.

Wada-hadalkan ayaa ku soo aaday, xilli maanta wafdi ka socda Sacuudiga ay booqdeen Dimishiq, markaa oo ay la kulmeen taliyaha sare ee maamulka Suuriya.

Sidoo kale Dawladda Qatar ayaa maanta ku dhawaaqday inay ku taageerri doonto dawladda cusub ee Suuriya, sidii dib loogu soo celin lahaa adeegyadii garoommada diyaaradaha, iyadoo loo marayo dib u dhis iyo horumarinta qalabka oo ay weheliso tababarka shaqaalaha, kaddib wafdi ka socda dawladda Qatar oo maanta tagay Dimishiq.