Heemaal News Network

Madaxwayne Kuxigeenka Somaliland Oo Tacsi U Diray Qoyska Uu ka Baxay AHUN Suldaan Saleebaan.

TACSI MADAXWEYNE KU XIGEENKA JSL -24/12/2024

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo kan shacabka Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Madaxda dhaqanka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil oo ku geeriyooday maanta duhurkii Caasimada Gobolka Awdal ee Borama.

Marxuum Suldaan Saleebaan Cali ayaa ka mid ahaa madax-dhaqameedka ugu waqtiga dheer dalka

Madaxweyne Kuxigeenka waxa uu Marxuumka ku sifeeyey oday dhaqameed door laxaadleh ka soo qaatay dib u dhiskii dalka Somaliland iyo nabadayntii beelaha Somaliland kuwada dhaqan, kuna xusnaa nabad-doonimo iyo waayo aragnimo dheeraada oo uu u lahaa xalinta khilaafaadka bulshada dhexdeeda.

Madaxweyne Ku-xigeenku Jsl waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Madaxda dhaqanka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN