Heemaal News Network

Ciidamada Booliiska Somaliland Oo Gacanta kusoo Dhigay Nin ku Eedeysan Dil

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa gacanta kusoo dhigay Eedeysane Khaalid Axmed Cumar Ina Aasiya Cabdi 20jir ah , kaas oo ku eedaysan inuu Abbaaro 3:00 Galabnimo shalay ku dilay Xaafadda Jameecada ee degmada Maxamuud Haybe Marxuum Khaalid Muuse Faarax Ina Hodan Diiriye 19jir ah , waxaanu ku dilay Mindi(Tooray)

Ciidanka Booliska ayaa sameeyay Hawlgal degdeg kaasi oo ay markiiba gacanta kusoo dhigeen eedaysanaha , waxaanu ku jiraa gacanta Ciidanka Booliska . dhanka kale , Eedaysanaha ayaa qaba dhaawac uu soo gaadhsiiyay marxuumka geeriyooday.

Taliska Ciidanka Booliska JSL wax uu bulshada Jamhuuriyadda Somaliland ugu baaqayaa inay ilaaliyaan nabadgalyada , waxii ay garan wayaanna degdeg ula soo wadagaan Ciidanka Booliska”

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Booliska JSL.
Call Center 999 /520175.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir “Heshiiskan waxaa Uu Meesha ka Saarayaa Dayacii Baddeena”.

Heemaaln

Madaxwayne Firdhiye Oo ka Hadlay soo Dhaweyn Loogu sameeyay Garoowe

Heemaal

Madaxweynaha Oo Fagaare kula Hadlay Bulshada Degmooyinka Xarardheere iyo Ceeldheer Ee Galmudug.

Heemaaln