Heemaal News Network

Jubbaland Oo ka Hadashay Talaabada Dawlada Somaliya ku Joojisay Duulimaadkii Kismaayo

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa si kulul uga hadlay talaabada DF ku joojisay duulimaadyadii Kismaayo iyo dagaaladii dhacay.

Cabdiraxman Cabdi Axmed ayaa sheegay in DF ku xad gudubtay xaq dastuuri ah oo ay leeyihiin shacabka Jubaland kaasoo ah xanibaada duulimaadyada Jubbaland gaar ahaan Kismaayo iyo Doolow.

“Ficilada gurracan ee Madaxda Dowladda Federaalka sida in Ciidankii Qaranka loo adeegsaday dagaalka siyaasadeed ee lagu soo qaaday Jubbaland, Xayiraadda Duulimaadyada Rayidka oo ah xaq Dastuuri ah oo ay leeyihiin Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo in Dhaqaalihii Dowladda loo adeegsanayo burburinta Hay’adaha Jubbaland waxay daliil cad u yihiin damaca Madaxda DFS ay ku doonayaan in doorasho boob ah laga qabto Dalka iyo inaysan rabin in wadahadal iyo is faham laga gaaro kala aragti duwanaanta Siyaasadeed.

Wasiirka ayaa ka waramay waxyaabaha ka dhalan kara ficilada DF.

“Tallaabooyinkan oo dhan waxa ay god mugdi ah ku sii ridayaan Dowladnimada Soomaaliya, Waxaana looga hortegi karaa in ay baraarugaan Ummadda Soomaaliyeed oo ay ka tashadaan masiirka Dalka.” ayuu yiri wasiirka.

Dowlada Somalia ayaa hakisay duulimaadyadii tegi jiray magaalooyinka Kismaayo iyo Doolow ka dib markii au ku eedeysay Jubbaland iney afduubteen dayuurad rakaab geysay Kismaayo laguna daabulay hub iyo ciidan loo qaaday Doolow.