Heemaal News Network

Wasiirka Arimaha Dibada Ee Turkiga Oo Safar Aan lasii Shaacin ku Tagay Imaaraadka Iyo Qodobo Uu kala

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Hakan Fidan wuxuu maanta safar aan horey loo shaacin ku tagay dalka Imaaraadka Carabta , sida ay ku warrantay warbaahinta Turkiga .

Lama soo bandhigay ujeeddada socdaalka, balse waxaa cad inay la xiriirto arrimaha Suuriya , iyadoo Turkiga uu doonayo inuu dalalka khaliijka gaar ahaan Imaaraadka iyo Sacuudiga ku qanciyo, sidii ay door maalgashi iyo taageerro ugu yeelan lahaayeen Suuriya , xilli Abu Dhabi ay bixisay dadaal badan saacadihii u dambeeyay si ay kursiga ugu sii heyso Bashaar Al-assad, laakin ma noqon dadaalladaa kuwa badbaadiyay Assad…!

Imaaraadka iyo Sacuudiga , waxay ka walaacsanyihiin in dawladda cusub ee Suuriya iyo ololaha ay xukunka uga tuureen isku rogo mid saameyn ku yeesha kuraasta ka wel-wela isbeddelada ka dhacaya dhulka Carabta,waana waxa uu hadda ka shaqeynayo in meesha laga saaro Turkigu.